Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka, Duulista iyo Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in dhammaadka sanadkan dib loo howl-gelin doono duulimaadyadii shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines.
Wasiir Maxamed Faarax ayaa sheegay in diyaaradda iyo qalabkeeduba diyaar yihiin, isla markaana dowladda ay qorsheyneyso in adeeggeeda si rasmi ah loo bilaabo ka hor inta uusan sannadkan dhammaan.
“Waxaan shacabka Soomaaliyeed la wadaagayaa war farxad leh oo ah in diyaaraddii Somali Airlines ay dib u bilaabi doonto duulimaadkeedii inta aan sanadkan la gaarin dhammaadkiisa,” ayuu yiri Wasiir Nuux.
Sidoo kale, wasiirka ayaa ka hadlay dadaallada lagu horumarinayo garoonka Aadan Cadde iyo garoomada kale ee ku yaalla gobollada dalka, kuwaas oo uu sheegay inay gaarayaan ilaa 72 garoon oo u baahan dib-u-dhis iyo casriyeyn.
“Waa inaan muujinnaa in garoomadeenna la aamini karo, ugu yaraanna aan la mid dhigno kuwa dalalka dariska nala ah. Hadda 15 garoon ayaa dayactirkoodu socdaa, qaarna meel gabagabo ah ayey marayaan. Waxaan bulshada iyo siyaasiyiinta ka codsanayaa in la dhowro nidaamka iyo sharciga, si garoomada aan u ilaalinno,” ayuu sii raaciyay Wasiir Maxamed Faarax Nuux.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku dhowdahay inay dib u soo celiso adeegga Somali Airlines, oo hakad ku jiray muddo 33 sano ah.
Dhawaan, Dowladda Soomaaliya ayaa soo iibsatay laba diyaaradood oo nooceedu yahay Airbus A320, kuwaas oo ku howl-gali doona magaca Somali Airlines.
Diyaaradahan oo dib loogu kicinayo shirkaddii Somali Airlines ayaa si rasmi ah u howl-gali doona muddo laba bilood gudahood ah, sida ay ku dhawaaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Heshiiska lagu soo iibiyey diyaaradahaan ayaa waxaa July 2025 lagu saxiixay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.
Heshiiskaas ayaa soo socday muddo, waxaana uu bilow u yahay qorshe ay Dowladda Soomaaliya ku soo iibsaneyso diyaarado rakaab oo casri si loo horumariyo shirkadda Somali Airlines.
Dib u howl-galinta diyaaradii Soomaali Airlines ayaa Soomaaliya uga dhigan guul wayn, iyadoona muddo ku siman Soddan sano ay howlgab ahayd diyaaradu, taasi oo meesha ay ka saareen dagaaladii sokeeye ee ka qarxay dalka.

