Xilliga Turkiga uu bilaabayo qodista shidaalka Soomaaliya oo shaaca laga qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee wasaaradda batroolka iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xaashi Carabey oo wareysi gaar ah siiyay laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC ayaa shaaciyay xog cusub oo ku aadan qodista shidaalka Soomaaliya oo ay heshiis dowladdu kula gashay dowladda Turkiga.

Carabey ayaa xaqiijiyay war kasoo baxay dowladda Turkiga oo ay ku sheegtay in labada dal ay isku raaceen in shidaal qodista la bilaabayo sanadka soo socda ee 2025.

Agaasimaha ayaa shaaca ka qaaday in heshiiska shidaal ee ay gaareen Muqdisho iyo Ankara ay qayb ka tahay qodista shidaalka, balse ay ka horeyso baaris, kadibna ay ku xigto qodista oo la guda galayo sanadka soo socda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in magaalooyinka ugu horreeya ee laga bilaabayo ay noqon doono Baraawe iyo Hobyo oo ka kala tirsan Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

“Sax waaye, heshiiska ayay qeyb ka tahay. Waa inay baaraan kadibna ay sameeyaan shidaal qodista,waxaana laga bilaabaya xeebaha Baraawe iyo Hobyo” ayuu yiri Carabey.

Dhankiisa Wasiirka Tamarta dalka Turkiga oo lagu magacaabo  Alparslan Bayraktar ayaa sheegay inuu rajaynayo inuu sanadka 2025-ka ay bilaabaneyso howsha qodista shidaalka.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso inay ka faa’ideysato khayraadka ee Alle ku maneystay, waxaana heshiis ay kula gashay dowladda Turkiga.

Horay Soomaaliya iyo Turkiga ayaa u galay heshiis difaac, kadib xadgudubkii Itoobiya ee madax bannaanida Soomaaliya, ee ka dhashay heshiiska badda ee Addis Ababa.