Xog: Goormee ayaa codka kalsoonida loo qaadayaa ra’iisul wasaaraha cusub?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee magacaaban, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in la horgeeyo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, si ay codka kalsoonida ah u siiyaan, una guda galo wajibaadka la saaray.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu beri horgeyn doono Ra’iisul wasaarihiisa cusub Golaha Shacabka, waxaana ajendaha kulanka uu yahay kalsooni siinta wasiirka koowaad ee xukuumadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa baarlamaanka ka dalban doono inay codka siiyaan Ra’iisul wasaaraha cusub ee haatan magacaaban saddexda cisho.

Maxamed Xuseen Rooble oo xalay farriintiisii ugu horresay soo duubay ayaa Golaha Shacabka uga dalbaday inay codka siiyaan, si uu uguda-gali shaqada hortaalla.

Sidoo kale wuxuu xalay la kulmay guddoonka Golahaasi, iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda dalka, qorshaha doorashada, wada-shaqeynta xeer dejinta iyo fulinta.

Rooble waa Raa’iisul wasaarihii labaad ee uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii la riday Mudane Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa waxaa horyaalla shaqooyin adag, isaga oo ugu horreyn ku dhawaaqi doono liiska golihiisa wasiirada, maadaama ay dhacday xukuumaddii hore.