27.9 C
Mogadishu
Tuesday, February 3, 2026

Goorta ciidanka Amisom la geynayo CADAADO

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo dhanka DF Somalia, ayaa sheegaya in maalinta bari ah Ciidamo ka tirsan AMISOM loo daad-gureyn doono Magaalada Cadaado.

Ujeedka Ciidamadaani ayaa la sheegayaa inuu yahay mid barbar socda dadaalada ay DF Somalia ku dooneyso hirgalinta Shirka lagu qabanaayo Degmada Cadaado ee maamulka loogu dhisaayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Cuuke Xaaji C/raxmaan oo ka tirsan Gudiga Farsamada Maamulka Gobolada Dhexe, ayaa xaqiijiyay in Ciidamada AMISOM la diyaariyay waxa uuna tilmaamay inay xaqiijin doonaan Amaanka goobaha lagu qaban doono shirka.

Dhanka kale, Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa la filayaa in 25-ka Bishaan uu ka Furmo Shirka Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud sida ay shaaciyeen Gudiga Farsamada.

DF Somalia ayaa juhdi adag ku bixineyso sida Maamulka Cusub ee dhismihiisu lagu howlan yahay loogu qancin lahaa dhamaan Beelaha halkaasi dega.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News