Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Siciid Maxamed Cali, oo ka tirsan baarlamanka Somalia, ayaa shaaca ka qaaday in ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda faderaalka ah, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu billowga sannadka cusub ku dhowaaqayo golaha wasiirada cusub.
Siciid Maxamed Cali ayaa waraysi uu siiyay warbaahinta gudaha waxa uu ku sheegay in ra’iisul wasaaraha uu gabo-gabo marinayo la tashiyo ku aadan soo dhisida xukuumadda cusub oo laga sugayo.
“Waxuu la shiray xildhibaanada baarlamaanka, Siyaasiyiin, iyo Bulshada qaybaheeda isaga oo ku dadaalaya sidii uu u soo dhisi lahaa Xukuumad ay cid kasta iska dhex aragto,” ayuu yiri xildhibaan Saciid Maxamed Cali.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa arbacadii (17-kii December) magacaabay Sharmaarke, kaliya toban maalmood kadib markii ay xildhibaannadu xilka uga xayuubiyeen Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed codka kalsoonida.
Hoos ka dhagayso xildhibaan Siciid Maxamed Cali
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com