28.5 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

Goorta uu Erdogan imanayo Muqdisho oo mar kale shaaca laga qaaday (Aqri)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo maalinimadii shalay ka baaqday Safarkii uu ku imaan lahaa Magaalada Muqdisho ayaa baajiyay kadib markii uu safar degdeg ah ku gaaray dalka Sacuudiga halkaasi uu uga qeybgalay Aaska iyo tacsiyada Boqorka dalka Sacuudiga.

Wakaaladda Wararka Dalka Turkiga ee Anadolu News Agency ayaa shaacisay in Recep Tayyip Erdogan uu booqan Doono Magaaladda Muqdisho 25 Bishan oo ku began Maalinta Axadda ee soo socota.

Wargeyska Daily Mail oo soo xigtay Saraakiil u waramay Wakaaladda Wararka Turkiga ayaa sheegaya in Madaxweynaha Turkiga kadib Booqashadiisa Sacuudiga uu gaari doono Dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Dalka Turkiga ayaa soo booqday Magaaladda Muqdisho bishii Augusto ee Sanadkii 2011kii xiligas oo uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha Turkiga waxa ay tanina noqoneysaa Booqashadiisa Labaad muddo 4 sanno ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News