Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan BF Somalia, ayaa xaqiijiyay in Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu kulan la qaatay qaar kamid ah Odayaasha Beesha HabarGidir oo iyagu dhawaan baaq u diray Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka.
Xubnaha ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha dalka uu Odayaashaasi kala hadlay shaqsiga ay usoo xusheen in looga dhigo Wasiirka cusub ee u buuxin doona golaha wasiirada, waxaana la sheegayaa inay gudoonsiiyeen Warqad xiran oo lagu soo diyaariyay magaca shaqsiga u matali kara Xukuumada.
Warar hoose waxa ay sheegayaan in warqadaasi uu ku qoran yahay C/kariin Guulleed oo Odayaasha ay dhawaan u aqoonsadeen inuu yahay ruuxa kaliya ay u dhiiban karaan xubinta ay ku leeyihiin Wasiirada.
Odayaasha ayaa waxa ay Ra’isul wasaaraha ku wargaliyeen inuusan ka hor imaan karin rabitaanka Beeshooda, islamarkaana aysan ku qanci doonin inuu la imaado shaqsi kale oo aysan u fasixin iyaga.
Ra’isul wasaare Cumar oo warqadaasi ka gudoomay Beesha ayaa waxaa hadana jira warar hoose oo tibaaxaya in CC uu ka codsaday inay la imaadan Mas’uul kale si hadii looga hor imaado Guulleed lagu buuxiyo xubintaasi.
Siyaasada cusub ee Odayaasha Beesha HabarGidir, ayaa meesha ka saareysa go’aanka BF Somalia oo weli halkiisa taagan, waxaana suuragal ah in Ra’isul wasaaraha dalka uu ka talaabo warqada kaga imaaday dhanka Beesha.
Madaxweyne Xasan ayaa dhankiisa kawada dadaal uu mar kale kusoo laabanaayo C/kariin Xuseen Guulleed, iyadoo iminkana la sheegay in taageero looga raadinaayo dhanka BF.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

