Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan BF Somalia, ayaa ka digay in Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid uu wakhti dheeri ah ku darsado xiligii uu qabsaday inuu kusoo dhisi doono Xukuumada.
Xildhibaanada ayaa hadalkaani sheegay xili ay kulan ku qabsanayeen Hotel Makka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho, waxa ayna daboolka ka qaaden in maalmo kooban kaliya ay u harsan tahay Ra’isul wasaaraha.
Waxa ay sheegeen in walaacooda uu yimid kaddib markii ay ka war-heleen in Cumar uu qorsheynayo in waqti dheeri ah uu codsado.
Waxa ay sheegen in loo baahan yahay inay ka faa’iideystaan wakhtiga u harsan iyagoona ka digay inuu baayaco balamihii ay la galeen oo ah qaabdhismeedka Xukuumada cusub.
Haddalka Xildhibaanadani ayaa imaanayo, xili Ra’isul wasaaraha uu culeys ka heysto dhanka Madaxweyne Xassan oo isagu wada nin jecleysi, balse waxaa la filayaa inuu ku qanci doono xukuumada soo socta.
Ra’isul wasaaraha dalka ayaa wada la-tashiyadii ugu dambeeyay uu kusoo afmeeri lahaa dhismaha xukuumadiisa, balse weli wax isuguma hagaagin.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

