Muqdisho (Caasimada Online) – Xili mudada uu qabsaday Ra’isul wasaaraha dalka ay gabaabsi ku dhowdahay, ayaa waxaa la sheegayaa in Cumar Cabdirashiid uu caqabad adag kala kulmaayo ragga ku xeeran Madaxweynaha Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaanada Baarlamaanka.
Ra’isul wasaare Cumar ayaa waxa uu weli la kufaa dhacayaa, sidii uu ku soo magacaabi lahaa Golaha Wasiirada ee Xukuumadiisa curdunka ah.
Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa mudadiisa uga harsan maalmo oo kaliya, waxaana ku hareersan Siyaasiyiin ku xeeran Madaxweyne Xassan iyo Xildhibaano ka tirsan BF oo iyagu dadaal ku bixinaayo in xukuumada dhismaheeda uu wado ciida afka u daraan.
Siyaasiyiinta ku dhowdhow Madaxweynaha ayaa waxa ay wado aan qancin R/W CC ku habaabinayaan, iyadoona Ra’isul wasaaraha uu ka biyo diidan yahay inkastoo uu dalbanaayo in faraha looga qaado dhismaha Xukuumadiisa inta maalin ee u harsan.
Sidoo kale, Xildhibaanada BF Somalia, ayaa waxay weli ka biyo diidan yihiin in Golaha Wasiirada lagu soo celiyo ilaa afar xubnood oo si dhow loola xiriiriyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxay kaloo diidan yihiin in mid ka mid xitaa afartaasi xubnood lagu soo daro Liiska Golaha Wasiirada.
Taa ka sokow Madaxweyne Xassan iyo Garabkiisa ayaa iyaguna Juhdi adag ku bixinaayo inay iska dhex arkaan Golaha Wasiirada cusub, waxayna taasi caqabad kale ay ku noqotay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid oo dhinac ah iyo Xildhibaanada oo iyaguna dhinac ah.
Jahwareerka xiligaani heysta Ra’isul wasaaraha dalka, ayaa waxa ay kusoo aadeysaa iyadoo Beesha Caalamka ay walaac xoog badan ka muujineyso Hanaanka Siyaasadeed oo ay xiligaani dalka ku hogaamineyso Dowlada Xassan Sheekh.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

