31 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Weerar kale oo xildhibaanada BF lagu qaaday laguna tilmaamay ina yihiin….

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa weerar ku qaaday xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo uu ku eedeeyay inaysan ka shaqeynaynin danta dalka Soomaaliya, sida uu sheegay aqoonayahankaasi.

Aqoonyahan C/kariin Cabdulle, oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed oola hadlay Idaacada Risaala ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka ay fiirsadaan mar walbaa dantooda, oo ay kasoo horjeedaan horumar laga gaaro dalka.

Sidoo kale aqoonyahanka ayaa sheegay in xildhibaan walbaa marka ii dantiisa waayo uu dib u dhac ku keeno danta qaranka, taasina ay sababeyso dib u dhaca qaranka ku imaanaya.

Wax aan wanaagsan wuxuu ku tilmaamay kala qeyb sanaanta xildhibaanada marka lasoo dhiso wasiiro cusub ama marka la ansixinayo mashruuc anfacaya dalka Soomaaliya.

C/kariin Cabdulle, wuxuu sheegay in xildhibaanada halka ay ku shiraan meel aan ka fogeyn ay degen yihiin dad barakacayaal ah oo ay iyaga matalaan, laakiin aysan marnaba fiiri dhibaatada dadkaasi ay ku jiraan.

Xildhibanaada ayuu kula taliyay inayka shaqeeyaan danta dalka oo ay ka tagaan kala duwanaanshahooda iyo dib u dhaca ay ku keenayaan qaranka Soomaaliya.

Maalintii shalay ayay aheyd markii Yuusuf Indha-cadde uu weeraray xildhibaanada uuna ku tilmaamay inay yihiin dad isbaaro ay u taalo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News