Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanayo dhanka magaalada Berbera, ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanka Maamulka Somaliland gaar ahaan kuwa gacanta ku hayo Dekada ay gacanta ku dhigeen markab la sheegay inuu siday hub fara badan.
Markabka ayaa la sheegayaa inuu kusoo xirtay Dekadda magaalada Berbera, waxaana durbadiiba la wareegay Ciidamada Mamaulka Somaliland, iyagoona jeelka dhigay Kabtankii waday Markabka.
Wararku waxa ay sheegayaan in Markabkaasi uu u rarnaa ganacsato ku sugan deegaanada maamulka Somaliland, waxaana u saarnaa gaadiid iyo alaab kale, hase ahaatee markii la dejiyay alaabta ganacsatada ayaa lagu arkay hub saran.
Hubka oo la qorsheynaayay in si qarsoodi ah looga dajiyo Dekada, ayaa waxaa qeybta hoose ee Markabka lagu arkay Hal Beebe, Hal Kaare iyo 10 Landcruiser oo hub kale ka buuxaan.
Dhanka kale, Markabka siday Hubkaasi ayaa waxaa lagu sheegay magaciisa MV-Shakir, waxaana warar kala duwan ay kasoo baxayaan halka hubkaasi uu u siday.
Saraakiisha laamaha amaanka ayaa baaritaano ku hayo Cida uu u rarnaa Markabkaasi iyo Ujeedka laga lahaa keenistiisa Hubka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

