Gorgor oo howlgal ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran Gorgor ka sameeyeen duleedka magaalada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed.

Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah loogu beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo ku yaalla deegaanka Munaarak ee gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Gorgor oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey in howl-galkaasi lagu dilay illaa 15 dagaalyahan 35 kalena lagu dhaawacay, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay burburiyeen xarumo ay lahaayeen dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab, ayna sii wadi doonaan howlgallada ka socda halkaasi.

“Howlgalka weli  waa uu socdaa waana sii wadeeynaa ilaa iyo inta aan Al-Shabaabka xorreyneyno degaanada Gobolka Shabeellaha Hoose, si wanaagsan ayaana u sugeeynaa amniga degaanka” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha sar sare ee Ciidamada Gorgor.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sare u qaaday dhaq-dhaqaaqyada ka socda gobollada Shabeelooyinka.