Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada kuraasta taal magaalada BELEDWEYNE

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne oo ah deegaan doorashada labaad ee HirShabelle ayaa waxaa ka taagan caqabad la xariirta kuraasta weli ku harsan magaaladaas oo haatan la ciir ciireysa musharixiin iyo ciidamo wata gaadiidka dagaalka.

Guddiga SEIT ee HirShabelle ayaa ku dhowaaqay in maanta la qabanayo doorashada hal kursi oo ka mid ah afar kursi oo uu horey jadwalkooda usoo saaray guddigu.

Kursigan oo uu tirsigiisu yahay HOP#004 ayaa waxaa ku loolamaya 5 musharrax oo midi ay tahay dumar, waxaana horey ugu fadhiyay Maxamed Xasan Ibraahin (Qoone).

Ma cadda sababta dib loogu dhigay doorashada afarta kursi ee kale, iyada oo qabashada HOP#004 ay kusoo aaday, xilli guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte uu soo saaray qoraal lagu hakinayo doorashada ka socota Beledweyne, sababo la xiriira amniga.

Sidoo kale lama oga sida uu isku saameyn karaan go’aanka guddiga iyo amarka kasoo baxay Cali Jayte Cismaan oo haatan ah guddoomiyaha amniga doorashada Beledweyne.

Dhanka kale waxaa taagan khilaaf cusub oo ka dhex-qarxay madaxweynaha HirShabelle iyo ku xigeenkiisa, kaas oo ku aadan sida loo wajahayo kuraasta taalla halkaasi, kaas oo saameyn ku yeeshay hannaanka doorashada iyo dadaalladii ka socday ee gobolka Hiiraan.

Si kastaba, Beledweyne ayaa soo martay marxalado kala duwan oo ka dhashay khilaafka doorashada iyo tabasho ay reer Hiiraan ka qabeen maamulka uu hoggaamiyo Guudlaawe.