Gaalkacyo: Xildhibaan aad u taageersan Farmaajo oo tartanka ka cararay iyo kursigiisa oo lagu guuleystay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa hadda lasoo gabagabeeyey tirinta codadka ergadii dooraneysay xildhibaanka qaadanaya kursiga HOP#095 oo xalay ay doorashadiisu ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cagaweyne) ayaa ku guuleystay kursigaan oo ahaa mid loo galay tartan furan oo adag, waxuuna ahaa midka ugu tartanka adag seddaxdii kursi ee shalay lagu doortay magaalada Gaalkacyo.

Seddax musharax oo kala ah: 1– Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud, 2– Maxamuud Nuur Iimaan, 3– Maxamed Saciid Faarax.

Ayaa ku tartamay kursigaan oo wareeg labaad la isla aaday, waxayna wareegii koowaad kala heleen Maxamed Saciid 44-cod, Cabdiraxmaan Cagaweyne 35-cod, halka Maxamuud Iimaan uu helay 20-cod, waxaana wareega labaad u gudbay Maxamed iyo Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan Cagaweyne ayaa wareegii labaad ku guuleystay codad dhan 54, halka Maxamed Saciid oo laga guuleystay uu helay 47-cod.

5-tii sano ee lasoo dhaafay kursigaan waxaa ku fadhiyey Cabdikariin Dhalac oo aad u taageersanaa Farmaajo, kaas oo isaga haray tartankaan, kadib markii uu ogaaday in guul uusan ka soo hoy-doonin hadii tartan la galo.

Waxaa aad loo nacay dhamaan dadkii garab taagnaa ee daacadda u ahaa  Farmaajo intii uu xukunka joogay, kuwaas oo intooda badan ku haray tartanka doorashada socota, taas oo niyad jab ku abuurtay nidaamka Farmaajo.