Ruushka oo caawimaad weydiistay Shiinaha xilli uu xoogeystay dagaalka Ukraine

Moscow (Caasimada Online) – Ruushka ayaa qalab militari weydiistay Shiinaha, xilli weli uu socdo duulaanka ay ku qaadeen Ukraine, waxaa sidaas ku warramay wargeysyada Financial Times iyo Washington Post oo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah. 

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay suurta-galnimada heshiis hub oo dhex-mara labada dal, balse ma aysan bixin wax faah-faahin oo ku saabsan, iyo sidoo kale nuuca hub ee Ruushka ay codsadeen. 

Financial Times ayaa sidoo kale ku warramay in Moscow ay taageero dhaqaale oo dheeri ah ka codsatay Beijing, oo u ah xulufo weyn xilli Ruushka laga go’doomiyey dunida inteeda kale.

Afhayeen u hadlay safaaradda Shiinaha ee Washington ayaa sheegay “inaanu marna maqlin” wax codsi caawimaad ah oo ka yimid Moscow, sida ay qortay Reuters. 

La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan, oo qorsheynaya inuu toddobaadkan la kulmo dhiggiisa Shiinaha Yang Jiechi, ayaa Axaddii Shiinaha uga digay inay wax taageero ah siiyaan Ruushka, si ay uga baxsato cunaqabataynta caalamiga ah. 

“Waxaan si toos ah iyo si gaar ah ula xiriireynaa Beijing, inay jiri doonto cawaaqib ka iman doona isku day kasta oo looga baxsanayo cunaqabataynada ama lagu taageerayo Ruushka,” ayuu u sheegay CNN.

“Ma ogolaan doonno in Ruushka ay caawimaad uga helaan xayiraadahan dal kale, iyo meel kale oo dunida ka mid ah,” ayuu yiri. 

Hadalkiisa ayaa yimid kadib markii wasiirka maaliyadda Ruushka Anton Siluanov uu sheegay in qaar ka mid ah keydka dahab iyo lacagta qalaad ee Ruushka ay yihiin lacagta Shiinaha. 

Waxa uu intaas in Moscow ay isku haleyneyso caawimaadda Shiinaha, si ay u yareyso saameynta cunaqabataynada Reer Galbeedka.