Gudaha Itoobiya oo markii ugu horreysay lagu qabtay dagaal-yahano Daacish ah

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka isku magacaabay Dowladda Islaamka xilli ciidammada dalkaas ay howgallo ka sameeyeen magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla xadka dalkaas uu la wadaago Soomaaliya.

Dagaalyahano taabacsan ururka Daacish ayaa ka dagaallama dalka Soomaaliya balse waa markii ugu horreysay ay Itoobiya qabato xubno ka tirsan ururkaas.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidammada Itoobiya, Colonel Tesfaye Ayalew ayaa sheegay in tiro kamid ah ragga la qabtay ay ka kala soo jeedaan dalalka Suuriya iyo Yemen halka ay qaar kamid ah ay yihiin Itoobiyaan.

Sarkaalka ma uusan sheegin tirada shakhsiyaadka ay qabteen ee ka tirsan ururka Daacish

Tesfaye Ayalew waxaa uu sidoo kale sheegay in Itoobiya ay leedahay sirddoon xoog leh, islamarkaana ay xiriir wanaagsan la leeyihiin dalka deriska ee Soomaaliya, taas oo u horseeday inay ku guuleystaan xiridda maleeshiyaadka.

Hoggaamiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya, Sheekh Cabdulqaadir Muumin ayaa dhowaan shaaciyey in kooxdiisa ay beegsan doonto dalka Itoobiya, islamarkaana dagaal-yahanno ka qoran doonto.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
caasimada@live.com