Guddiga cunaqabataynta hubka Soomaaliya oo soo saaray WAR ku saabsan dowladda Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Golaha Ammaanka u qaabilsan cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa shaaciyey sida ay ula shaqeyn doonaan dowladda cusub ee uu hoggaaminayo madaxweynaha dhawaan la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddiga oo warbixin soo saaray ayaa sheegay inay dowladda cusub kala shaqeyn doonaan cunaqabateynta hubka, cuuryaaminta dhaqaalaha Al-Shabaab, ka hortagga dhoofinta sharci-darada ah ee dhuxusha iyo arrimaha la xiriira bini’aadanimada.

Sidoo kale, guddiga ayaa warbixinta kasoo baxday ku sheegay inay aad uga walaacsan yihiin xaaladda amni ee Soomaaliya, oo uu sheegay in si weyn usii kordhayaan weerarada ay geysaneyso kooxda Al-Shabaab.

“Guddigu wuxuu taageersan yahay dowladda federaalka Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda in ay sameeyaan dadaallo kala duwan oo lagu qallajinayo dhaqaalaha Al-Shabaab iyada oo la qabanayo lacagaha lagama maarmaanka u ah howlaha kooxda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri “Dadaalladaas ayaa noqon doona mid wax ku ool ah oo keliya marka la helo xog-wadaag iyo wadashaqeyn dhab ah oo dhexmarta Dowladda Soomaaliya, Dowladaha deriska iyo saaxiibada caalamka, iyadoo la kaashanayo Guddiga Khubarada,” ayuu lagu yiri warbixinta guddgan.”

Guddigan waxay warbixntooda ku sheegeen, in inka badan 2,600 oo carruur ah loo geystay xadgudubyo. Sidoo kale waxay sheegeen inuu jiro 50 kiis oo kufsi iyo noocyo kale oo xadgudubyo galmo ah oo ay geysteen Al-Shabaab, ciidamada Dowladda, maleeshiyo beeleed iyo ciidamada dowlad goboleedyada.

Ugu dambeyntii guddiga ayaa soo bandhigay baahiada loo qabo wadashaqeyn iyo tallaabo mideysan oo ka dhacda golayaasha dowladda dhexdooda, taasoo muhiim u ah hubinta in si adag loogu hoggaansamo dhammaan tallaabooyinka cunaqabateynta hubka.

Warbixinta guddiga ayaa kusoo aadeyso xilli dhawaan ay Soomaaliya ka dhacday doorasho taasoo soo afjartay muddo ka badan sanad oo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay ku jirtay hubanti la’aan iyo cabsi.