26.4 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Guddiga doorashooyinka oo war ka soo saaray muddo kordhinta, kuna dhowaaqay in….

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madax-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa caawa soo saaray wargelin sharciyeed, taas oo uu ku caddeeyay in dhameystirka dhammaan heerarka kala duwan ee doorashooyinka ay ku dhici doonaan muddadooda dastuuriga ah.

Guddiga ayaa sidoo kale daneeyayaasha doorashada ka codsaday, si uu u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah, inay gacan ka siiyaan abuurista jawi suurtagelinaya isfaham siyaasadeed oo meel looga soo wada jeesto hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda.

Sidoo kale, waxa uu guddigu ku baaqay in lagala shaqeeyo xoojinta, dhameystirka iyo tayeynta howl-gallada sugidda amniga doorashooyinka, oo muhiimad gaar ah leh.

“Waxa uu ku wargelinayaa dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka in guddigu ku talo-galkiisu yahay in uu ku dhameystiro dhammaan heerarka kala duwan ee doorashooyinka muddadooda dastuuriga ah ee golayaasha qaranka.”

Guddiga ayaa dalbaday diyaarinta miisaaniyad dhaqaale oo lagu hirgeliyo dhammaan heerarka kala duwan ee doorashooyinka dalka, oo ay ugu horeyso tan golaha deegaanka oo dhawaan ka dhici doonta magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, daneeyayaasha, ururrada bulshada rayidka ah, ururrada siyaasadda, ururrada caalamiga ah, goboleedyada sida: UNO, AU, EU, IGAD, ARAB LEAGUE, OIC iyo waddamada saaxiibka la’ah Soomaaliya, ayuu guddigu ka codsaday inay door firfircoon ka qaataan kor-joogteynta dhammaan howlaha doorashada ee dalka ka socda, si loo xaqiijiyo hufnaanta iyo daah-furnaanta doorashada.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa Sabtidii magaalada Muqdisho ka bilaabay qeybinta kaararka codbixinta, iyadoo wajiga hore lagu bilaabay degmooyinka Xamar Weyne, Shangaani, Boondheere, Xamar Jajab, Waaberi, Shibis iyo Cabdicasiis.

Guddigu waxa uu sheegay in guud ahaan 42 goobood loo hirgeliyey qeybinta kaararka doorashada, si ay dadka deegaanka ugu fududaato helitaanka kaarka codbixinta.

Sida lagu sheegay warbixinta guddiga, tirada dadka hore iskaga diiwaangeliyey gobolka Banaadir ayaa kor u dhaaftay 900,000 qof, taas oo muujinaysa sida shacabka ay ugu diyaar-garoobeen doorashooyinka heer degmo ee la qorsheeyay.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay weli bannaanka ka joogaan arrimaha doorashooyinka qof iyo codka maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, kuwaas oo si adag uga hor yimid hanaanka loo maray doorashooyinka qorsheysan iyo guddiga loo igmaday.

- Advertisement -

Read more

Local News