25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Guddiga doorashooyinka Somaliland oo fashilinaya heshiiskii shalay la gaaray

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa la filayaa inay horseedan bur-bur ku yimaada heshiiskii shalay ay wada gaareen saddexda xisbi ee Somaliland, kaasi oo lagu soo afjarayey khilaafkii mudada badan ka taagna arrimaha doorashooyinka.

Guddiga Doorashooyinka ayaa waxa la filayaa in bishan Sideedaad ay si rasmi ah ugu dhawaaqi doonan inaysan doorashada ku qaban karin waqtigii loo qoondayey, taasi oo ay ka dhimanyihiin muddo Afar bilood ah.

Doorashada golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa lagu waday inay qabsoomto 12-ka bisha December, balse ifa-faalooyinka ka soo baxaya Guddiga doorashooyinka ayaa u muuqda kuwo aan suurto-galinayn in doorashadu ku qabsoomto waqtigeeda.

Guddiga Doorashooyinka ayaa waxa lagu wadaa inay Madaxweyne Biixi u gudbin doonaan go’aankooda ay ku cadeynayaan inaanay doorashada golaha wakiiladu ku qabsoomi karin wakhtiga loo qoondeeyay iyagoona go’aankaasi ku lifaaqi doona caqabadaha hortaagan.

Guddiga ayaa iyagu qaba in arrimo badan oo ay ahayd inay dhammadaan intay soo dhawaan wakhtiga doorashadu ay weli qabyo yihiin taasi oo ka hor-imaanaysa in doorashooyinku ku qabsooman waqtigii loo qoondeeyay.

Inkastoo aysan guddiga doorashada iyo xisbiyada midkoodna weli si rasmiya ugu dhawaaqin in dib u dhac ku yimid doorashooyinkaasi laga gaaray heshiiska, ayaa haddana waxa muuqda ifaafale muujinaysa inaanay doorashooyinkaasi waqtigooga ku qabsoomin.

Guddiga doorashooyinka ayaa hore ugu dhawaaqey Bishii Sadexaad ee sannadkan inaanay qaban karin doorashada wakiilada iyo deegaanka oo aheyd in la qabto horaantii sanadkan, taasi oo keentay in dib loo dhigo oo isla markaana loo asteeyo in doorashooyinkaasi ay qabsooman 12-ka bisha December ee sanadkan.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News