Garoowe (Caasimada Online) – Puntland iyo Jubaland ayaa soo gudbiyay min laba xubnood oo ku metelaya guddiga farsamada ee dhammaystirka qaab-dhismeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee dhawaan lagu dhisay Nairobi.
Puntland ayaa labada xubnood u magacowday Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanad iyo Caarshe Maxamed Siciid, halka Jubaland ay u magacowday xildhibaan Cabdirashiid Jire iyo Saahid Qodhob. Madasha Samatabixinta ayaa hore laba xubno uga magacowday xildhibaan Cabdillaahi Xaaji Abuukar iyo Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).
Guddigan ka kooban lixda xubnood ayaa dhawaan qaban-qaabinaya shirka koowaad ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo la filayo in uu midkood ka dhaco Garoowe ama Kismaayo.
Shirkaas ayaa lagu dhammaystiri doonaa qaab-dhismeedka golaha, sidoo kale waxay uga arrinsan doonaan go’aannada ay ka qaadanayaan xaaladda kala-guurka ee dalka, sida ku xusan bayaankii Nairobi ee ay soo saareen bishii Oktoobar.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa dhawaan la filayaa inay bilaabaan qaban-qaabada shirkooda koowaad, oo la filayo in uu midkood ka dhaco Garoowe ama Kismaayo.
Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan sheegay inay si buuxda u taageerayaan in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu qaato mas’uuliyadda badbaadinta mustaqbalka dalka.
“Dowladda Puntland waxay si buuxda u taageeraysaa in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu qaato mas’uuliyadda ku saabsan badbaadinta mustaqbalka dalka. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha mustaqbalka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan sidii Soomaaliya uga bixi lahayd hubanti-la’aanta amniga iyo jaahwareerka siyaasadeed,” ayuu yiri madaxweyne Deni, oo Sabtidii hadal ka jeediyay xarunta baarlamaanka Puntland.
Puntland, Jubaland iyo xubno ka mid ah Madasha Samatabixinta, oo 2-dii Oktoobar shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa ku heshiiyeen inay dhistaan ‘Golaha Mustaqbalka Soomaaliya’.
Waxay sidoo kale ku heshiiyeen inay shir isugu yimadaan gudaha dalka Soomaaliya, shirkaas oo ay uga arrinsanayaan go’aannada ay ka qaadanayaan xaaladda kala-guurka ee dalka.
Waxay ugu baaqeen ummadda Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan midnimada iyo xasilloonida dalka, kana hortagaan cid kasta oo dhaawacaysa wadajirkooda.

