Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo hakiyay natiijada saddex kursi oo golaha shacabka ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka dalka ayaa goordhoweyd shaaciyay in uu hakiyay ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee kuraasta tirsigoodu yahay HOP#201, HOP#209 iyo HOP#211.

Saddexda kursi ee dacwada laga keenay ayaa waxay kamid yihiin kuraasta gobolada Waqooyi oo maalmo ka hor lagu doortay Muqdisho, waxaana dacwadooda soo gudbiyay Suldaan Diiriye Geelle Cali iyo Musharax Kheyriya Maxamed Maxamuud.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in saddexda kursi laga keenay dacwad, islamarkaana uu go’aan ka gaari doono guddiga dacwada laga soo gudbiyay.

“Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada dadban asagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee loo igmaday wuxuu ku wargalinayaa Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal in la hakiyo ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee kuraasta, laga bilaabo 27/01/2021 inta GXKHDD uu go’aan ka gaarayo dacwada laga soo gudbiyay kuraastaas,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay guddiga in muddo toddobaad ah ku dhameystiri doono baaritaanka cadaymaha, dhagaysiga dhinacyada ay khusayso dacwadu iyo ka go’aan gaarista dacwada, taasi oo ka bilaabanaysa maanta oo uu si rasmi ah ugu dhawaaqay hakinta kuraastaas.

“Waxaa go’aanka ugu gudbin doonaan soo dacwoodayaasha iyo dhamaan dhinacyada ay khuseyso muddo afar iyo labaatan saacadood (24) gudahood ah oo ka bilaabanaysa marka go’aanka la gaaro.”

Guddiga ayaa ugu dambeyntiina ku wargaliyay guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal iyo guddiga hireglinta doorashooyinka gobolada Waqooyi ee Somaliland inay si dhaw ula shaqeeyaan xubnaha gacanta ku haya baarista dacwadaan, si loo helo xog dhameystiran, uguna soo afmeeran waqtiga loo qabtay dacwada.