Golaha Wasiirada oo amray in deg deg looga soo saaro ciidanka la geeyey B/Weyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa amray in deg deg loo soo celiyo ciidamadii shalay la geeyey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ee muranka badan dhaliyey.

Qoraal kasoo baxay Golaha Wasiirada ayaa lagu sheegay in ciidamadaas loo adeegsanayo dano siyaasadeed, taasi oo ay ku qeexeen mid lagu dilayo sumcadda ciidanka qaranka.

Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in ciidammada la geeyay Beledweyne sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro, laguna celiyo xeryahoodii, iyadoo la faray Wasiirada iyo Taliyeyaasha amniga in aan Ciidammada Qaranka loo isticmaalin laguna sumcad dilin arrimaha siyaasadda,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Golaha Wasiirada.

Ciidamadan ayaa la rumeysan yahay inuu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo doonayo inuu u adeegsado kuraasta Golaha Shacabka ee taalla magaalada Beledweyne.

Goor sii horeysay oo maanta ah, taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa wareysi uu siiyey VOA ku sheegay in ciidanka la geeyey Beledweyne ay la-dagaalami doonaan Al-Shabaab oo aanay shaqo ku laheyn wax siyaasad ah.

“Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed marna ma aha ciidan ku shuqul leh doorashooyinka, waxa ka quseeya oo keliya waa sugida amniga guud oo banaanka ah oo aheyn gudaha, waxaa ka ilaalinayn xitaa in ciidanka xooga ay qeyb ka noqdaan amniga gudaha oo soo galaan,” ayuu yiri Odowaa.

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa la filayey in xilka looga qaado taliyeyaal uu ka mid yahay Odowaa, balse sida aan xogta ku helnay waxaa arrintaas dib loogu dhigay si fursad loogu siiyo inuu raacayo amarka Golaha Wasiirada iyo in kale.