Wareysi: Jeneral Odowaa oo markii u horeysay ka hadlay ciidanka la geeyay B/Weyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa markii u horeysay ka hadlay ciidamadii shalay laga dejiyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Jeneraal Odowaa oo wareysi siiyay idaacada VOA-da ayaa sheegay in ciidamadaas ay yihiin kuwo loogu tala-galay in lagu xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee meesha tagay waxa waaye in cadowga carqaladeynaya arrimaha doorashooyinka iyo guud ahaan dhibaatooyinka kale ku haya deegaanka inay ka hortagaan, runtii ma aha sawirada dadka qaarkood ka bixinaya waa wax kala fog oo kala duwan sababaha ay ciidanku u tageen Beledweyne,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu beeniyay in ciidamada wax lug ama saameyn ah ku leeyihiin doorashada la filayo in dhawaan magaalada Beledweyne lagu qabto ee Golaha Shacabka, hase yeeshe ay ka hortagayaan carqaladeyn kasta oo argagixisada uga imanaya doorashada.

“Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed marna ma aha ciidan ku shuqul leh doorashooyinka, waxa ka quseeya oo keliya waa sugida amniga guud oo banaanka ah oo aheyn gudaha, waxaa ka ilaalinayn xitaa in ciidanka xooga ay qeyb ka noqdaan amniga gudaha oo soo galaan.”

Jeneraal Odowaa ayaa iska fogeeyay in howl-galada ciidanka xooga ay si toos ah u hoos tagaan wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga, ayna u madax-banaan yihiin la dagaalanka argagixisada iyo howl-galada lagu sugayo amniga, kadib markii uu xalay Wasiirka gudaha uu sheegay in uusan waxba kala socon ciidanka la geeyay Beledweyne.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in ciidamada la geeyay Beledweyne aysan ka duwaneyn kuwa la geeyay Dhuusamareeb iyo deegaano kale oo ay ka wadaan howl-galo looga sifeynayo argagixisada.

“Waxaa rabaa in aan cadeeyo in ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ay leeyihiin mas’uuliyada sugida amniga qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed oo ma aha wax si maalinle ah loo leeyahay gudbinteeda ee waa mas’uuliyad na saaran oo aan garaneyno, anagana naloo xil saaray.”

Shalay ayey aheyd markii ay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ka degtay Diyaarad sidday ciidamo ka mid ah kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor iyo kuwa Booliska Haramcad.

Diyaaradda oo sidday askar gaareysay illaa 50 askari ayaa markii hore ka amba-baxday gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxayna toos uga degtay garoonka diyaaradaha ee Beledweyne, sida ay innoo xaqiijiyeen saraakiil amni.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ciidamadan waxa ay hordhac u yihiin ill 400 askari oo ay dowladda u qorsheysay inay geyso Beledweyn oo ay haatan ka taagan tahay xiisad xoogan.

Tallaabadan ayaa waxaa si adag uga horyimid Siyaasiyiin ay ka mid yihiin, wasiirka arrimaha gudaha Jeneraal Mukhtaar, Cabdullaahi Goodax Barre, Cabdullahi Sanbaloolshe, xildhibaan Qoone iyo xildhibaan Jindi oo dhamaantood ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

Waxay sheegen in Beledweyne ay ka taagan tahay xurguf siyaasadeed, balse aysan joogin argagixiso dowladda ku qasbeysa inay cudud ciidan ku wajahdo, iyagoo saraakiisha kula taliyey in ciidankaas ay ku soo celiyaan xeryahooda.

Si kastaba, Golaha Wasiirada xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta ka hadlay ciidamada shalay la geeyay magaalada Beledweyne, ayaa amray in deg deg loo soo celiyo ciidamadaas, oo ay sheegen in loo adeegsanayo dano siyaasadeed, kuna qeexeen mid lagu dilayo sumcadda ciidanka qaranka.

Hoos ka dhageyso wareysiga Odawaa ee VOA, oo ay qaaday Falastiin Axmed Iimaan