Guddigii uu magacaabay ROOBLE oo digniin kasoo saaray boobka doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka ee uu horey u magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay doorashada socota ee Golaha Shacabka Soomaaliya, isaga oo digniin culus kasoo saaray boobka lagu hayo kuraasta Baarlamaanka.

Marwo Caasho Siyaad oo ka mid ah xubnaha guddigan ayaa sheegtay inay ka digayaan in la boobo kuraasta loo qorsheeyey haweenka ee Baarlamaanka, kadib wareysi ay siisay Universal TV.

Caasho Siyaad ayaa sidoo kale soo jeedisay in Qabaa’ilka aan laga qabanin liis aysan ku jirin gabdho, si loo ilaaliyo qoondada haweenka ee 30%.

“Cabasho way jirtaa waana ka sii digeynaa, waana ka sii dardaarmeynaa gabdhaha kuraastooda in la ilaaliyo Qabaa’ilka gabdhaha laga rabo inaanan laga qabanin liis aysan gabdho ku jirin” ayey tiri Caasho Siyaad oo ka mida Gudiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka.

Sidoo kale waxay intaasi ku dartay inay dacwad culsu ka gudbin doonaan kuraasta gabdhaha ee la boobayo, haddii aan wax laga qaban , inta ay socoto doorashada.

“Annaga dacwo ayaan ka gudbineynaa, haddii ay dhacdo in kuraas gabdho loo qoondeeyey ay rag ku soo fariistaan,” ayey sii raacisay.

Ugu dambeyn Marwo Caasho Siyaad ayaa farriin u dirtay madax goboleedyada, waxayna ugu baaqday inay ka shaqeeyaan hunfnaanta doorashada iyo ilaalinta qoondada haweenka.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayda oo aysan weli waxba iska beddalin hannaanka doorashada, kadib shirkii Muqdisho waxaana weli socda ‘boobka’ doorashada iyo in kuraasta qaar loo xiro shaqsiyaad gaar ah, taas oo xiiso beel ku ridday doorashada.