Guddigii uu magacaabay Rooble oo ka horyimid liiska musharraxiinta JUBALAND

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga uu dhowaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u magacaabay u ololeynta  iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%, ahna guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Soomaaliya, Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa ka hadashay liiska xubnaha musharraxiinta Golaha Aqalka Sare ee Jubbaland.

Batuulo ayaa ka hortimid sideeda xubnood ee uu shalay soo saaray Axmed Madoobe, waxayna sheegtay inay saluug ka muujinayaan in hal gabar oo kaliya ay kasoo dhex-muuqato musharraxiinta u tartamaya afarta kursi ee la shaaciyey musharraxiintooda.

“Hadda waxaa saluugeynaa soo saarista musharraxiinta waayo waxaan aragnay sideed musharraxiin oo lasoo saaray oo hal gabar oo kaliya ay ku jirto,” ayey tiri Marwo Batuulo.

Sidoo kale waxa ay intaasi sii raacisay “Waxba kama qabno in hal gabar ay kasoo baxdo afarta kursi, afarta kalena ay hal gabar kasoo baxdo,”.

Ugu dambeyn waxay ugu baaqday madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) inuu dib ugu laabo liiskaas, isla-markaana uu kusoo daro gabar kale, si loo ilaaliyo qoondada haweenka ee 30% ee horey heshiiska looga gaaray.

“In kursiga Xaliimo laga reebo ninka la tartamaya ee lagu bedalo gabar kale ayaan codsaneynaa,” ayey markale tiri Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gaballe.

Guddigan ee uu maalmo ka hor magacaabay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isla-markaana ay soo dhoweysay Qaramada Midoobay ayaa ujeedka loo aas aasay wuxuu yahay inuu ka shaqeeyo ilaalinta qoondada haweenka ee 30%, si maamul goboleedyada cadaadis loogu saaro inay xubnaha soo saaraan ay ku jiraan kuwo haween ah.

Waalaca soo wajahay guddigan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan la guda-galo doorashada Aqalka Sare, waxaana ugu horreyn lagu qaban doonaa magaalada Kismaayo ee Jubbaland.