Guddoomiyaha ONLF oo ka hadlay cabsi la sheegay inay soo wajahday kadib markii…

Jigjiga (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ONLF Cabdiraxman Sheekh Mahdi Maadey ayaa markii u horreysay ka hadlay khilaafka ka dhex jira gudaha ururka ONLF.

Maadey ayaa meesha ka saaray cabsida burbur uu horseedo khilaafka mudada dheer ka dhex jira gudaha ururkiisa, kaasi oo uu sheegay in uusan waxba u dhimeyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Intii halganku socday kolba qolo ayaa go’aysay oo ururka ka baxaysay, waa un qayb halganka kamid ah markaa halgamayaasha in isbaddelku ku dhaco waa un wax dabiici ah, qofku ikhtiyaarkii ayuu ururka ugu jiraa,” ayuu yiri Guddoomiye Maadey.

Waxa uu intaas kusii daray “Midnimada waan jecelnahay walaalaheen naga tagay waanu jecelnahay oo waanu soo wada halganay laakiin way naga leexdeen, balse geediga halganku wuu soconayaa ONLF-na shaqsi ka tagay iyo qof dhibaateeyay waxba uma noqonayso.”

Maadey ayaa sidoo kale waxa ka hadlay waxa ka hirgalay heshiiskii iyaga iyo Itoobiya, isagoo sheegay in Itoobiya ay ka dhaqan-gelisay oo keliya xabad joojinta.

“Heshiiska inaga iyo Itoobiya waxay Itoobiya ka hirgalisay kaliya xabad joojinta, balse qodobadii kale oo ay kamid ahaayeen dib u dejinta ciidanka aysan waxba kama hirgalin illaa hadda,” ayuu yiri Guddoomiye Maadey.

Si kastaba, ONLF ayaa waxaa muddo waxa ka dhex jira khilaaf sababay markii dambe in ururkii uu u kala qaybsamo labo dhinac, oo si siman xafiisyo ugu kala leh gudaha degaanka Soomaalida.

Illaa haddana majiro wax xal ah oo laga gaarey khilaafkaasi, inkasta oo marar kala duwan la isku dayay in xal la helo haddana arrinkaas khilaafku iyo kala qaybsanaantu wali waa mid jirta, waana ka gaabsaday guddoomiye Maadey ka hadalkeeda.