27 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Gudoomiyayaasha labada gole oo xarunta Xalane kula shiray deeq bixiyayaasha caalamka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho kulan wada jira ku yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan ”Jawaari”, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi iyo deeq bixiyayaasha reer galbeed ah.

Kulanka ayaa waxaa labada Guddoomiye ku wehlinaayay ku xigeenadooda, waxaana looga hadlaayay dar dar gelinta howlaha mashaariicda deeq bixiyeyaasha caalamka.

Shirka oo dhowr saac qaatay ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta Xalane waxaana leysla lafa guray sida ugu sahlan ee lagu hormarin lahaa rajada deeq bixiyayaasha ee Somalia.

Deeq bixiyayaasha ayaa sheegay inay ka go’an tahay horumarinta hanaanka ay deeqaha ku gaarsiiyan dowlada, waxa ayna sidoo kale Guddoomiyayaasha labada Gole iyo Ku-xigeenadooda usoo bandhigeen isbedelada ay ku sameyn doonaan deeqaha.

Deeq bixiyayaasha waxa ay sidoo kale Guddoomiyayaasha u sheegen inay la garabtaagan yihiin wixii karaankooda ah, waxa ayna ku nuux-nuuxsadeen inay ka go’an tahay inay si wanaagsan ula dhaqmaan dowlada.

Qadka Telefoonka ayaa waxaa sidoo kale shirka uga qeybqaatay mas’uuliyiin ka tirsan deeq bixiyeyaasha Caalamka iyo Hay’adaha la shaqeeya kuwaa oo kasoo hadlaayay magaalada Nairobi.

Sidoo kale, Guddoomiyayaasha labada Gole ayaa dhankooda ka ballanqaaday inay ka xoojin doonaan xiriirka dowlada kala dhexeeya deeq bixiyayaasha.

Dhinaca kale, dhinacyada uu shirka u dhexeeyay ayaa isla fahmay in la xoojiyo wada shaqeynta iyo deeqaha ay Hay’adaha u qoondeenayaan Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News