Tallaabadii baarlamanka Puntland oo weji kale yeelatay (Yaa ka dambeeyey codkii maanta la qaaday?)

Garoowe (Caasimada Online) – Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa kulan ay yeesheen maanta waxa ay kalsoonidii kala laabteen Golaha Wasiirada Maamulka Puntland, taasi oo madaxweyne Cabdi Weli Gaas-na uu soo dhoweeyey

Eng. Maxamuud Xaaji Saalax oo ahaa wasiirkii Beeraha Puntland, ahaana Gudoomiyihii shirkii wadatashiga maamulkaas oo wareysi siiyay Idaacadda Dalsan ee Muqdisho,  ayaa sheegay in mooshinkaas la doonayay in xilka looga qaado madaxweyne C/Wali Maxamed Cali Gaas, balse madaxweyne Gaas uu arrinkaa u weeciyay golaha wasiirada, baarlamaankana go’aankaa ay qaateen.

Eng Maxamuud ayaa sido kale Madaxweyne Gaas ku eedeeyay in heshiisyada uu soo galo baarlamaanka uusan la socodsiin, taasina ay keentay in hadda baarlamaanka ay daba gal ku sameeyaan hey’adaha maamulkaasi.

Shacabka deeganada Puntland ayaa mudooyinkii dambe ka cabanayay lacago shilin Soomaali ah oo been abuur ah oo la sheegay in deegaanadaa lagu daabaco, waxaana Eng Maxamuud Xaaji Saalax uu tilmaamay in taasi ay sababtay in shacabka hadda ay ka horyimaadaan maamulka Madaxweyne Gaas.

Halkan ka dhageyso Eng. Maxamuud Xaaji Saalax  

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com