Cadaado (Caasimadda Online) – Qaar kamid ah ka mid ah guddoomiyayaashi Gobolka Banaadir ee xilka laga qaaday ayaa ku gaaray Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Galmudug.
Guddoomiyayaasha oo ka tirsan kuwii uu xilka ka qaaday Thaabit Cabdi Maxamed ayaa iska xaadiriyey Magaalada Cadaado oo ay ka socoto ololo lagu soo magacaabayo Wasiirada cusub oo uu yeelan doono Maamulkaas.
Mas’uuliyiintaan ayaa kasoo kala jeedo deeganada uu ka arrimiyo Maamulka Galmudug waxayna dadaalkooda ugu dambeeyey ku bixinyaan sidii ay uga mid noqon lahaayeen wasiirada uu dhawaan soo magacaabi doono Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maalmo ka hor la caleema saaray ayaa bilaabay wada tashiyo ku aadan magacaabida Golihiisa Wasiirada, waxaana la filayaa in golaha wasiirada ay kasoo muuqan doonaan shaqsiyaad cusub isla markaasma laga weyn doono kuwii horey uga tirsanaa wasiirada uu magacaabay Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Illaa lix ka mid ah Guddoomiyeyaashi degmooyinka G/Banaadir ee xilka laga qaaday ayaa ku sugan Cadaado, waxaana ay u badan tahay inay helaan xilal wasiiro iyo wax u dhigma.
Magaalada Cadaado ayaa ka ciir ciireyso shaqsiyaad badan oo halkaas gaaray maalmihii ugu dambeeyey, waxaana jiro loolan adag oo ku aadan kasoo muuqashada wasiirada lagu dhawaan doono asbuucyada soo socdo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]