Cali Xuseen Soomaali oo ka bad-baaday isku day dil

Badhan (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar gaadmo ah lagu qaaday hoyga uu degmada Badhan ka dagan yahay guddoomiyaha gobolkaasi ee Puntland, Mudane Cali Xuseen Soomaali.

Rag hubeysan ayaa rasaas huwiyey guriga guddoomiyaha, waxaana kadib xigay iska hor imaad toos ah oo dhex-maray ilaalada guddoomiyaha iyo kooxda weerarka soo qaaday.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in iska hor imaadka uu socday muddo kooban, islamarkaana uu ka bad-baaday guddoomiye Cali Xuseen Soomaali.

Ma jirto wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarkan, marka laga reebo burbur gaaray dhismaha guriga guddoomiyaha.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay baxsadeen kooxihii ka dambeyey falkaasi dhacdada kadib.

Xaaladda ayaa saaka degan, balse ciidamada amaanka ayaa haatan wada howl-gallo lagu baadi goobayo raggii ka dambeyey weerarkaasi.