Saraakiil Al-Shabaab ka tirsan oo duqeyn lagu laayey

Xudur (Caasimada Online) – Faag faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo saacadihii la soo dhaafay laga fuliyey qeybo ka mid ah gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Somalia, gaar ahaan duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolkaasi.

Duqeynta ayaa lagu soo warramayaa in si gaar ah looga fuliyey deegaanka Ma’madoow oo 40km u jira degmadaasi, kaas oo ay gacanta ku hayaan dagaalyanada Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegay in duqeynta lalal bartimaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxdaasi.

Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay weerarkan dhanka cirka ah ayaa shaaca ka qaaday in lagu laayey saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab, walow aysan tirada shaacin.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi.

Si kastaba duqeyntan ayaa ku soo beegmeysa, xilli ciidamada huwanta ay qorsheynayaan inay go’doonka ka qaadaan degmada Xudur ee gobolka Bakool.