Xog: Beesha caalamka oo kulan xasaasi la yeelaneysa Farmaajo iyo farriin loo sido

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in maanta oo Sabti ah uu xarunta madaxtooyada Soomaaliya kulan xasaasi ah kula yeesho wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya.

Xubnaha uu madaxweynaha la filayo inuu la kulmo ayaa waxaa ka mid ah ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan, safiirka Mareykanka Donald Yamamoto, safiirka UK ee xilka kasii degaya Ben Fender, ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Fransisco Madeira, iyo safiirada dalalka kale.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay Caasimada Online ka heshay madaxtooyada ayaa sheegaya in kulanka uu ku yimid codsiga wakiilada beesha caalamka, waxaana lagu warramay inay madaxweynaha u sidaan farriin la xiriirta arrimaha doorashada.

Inkasta oo aanay caddeyn waxay tahay fariintaas ayaa haddana waxaa loo badinayaa inay ku cadaaddiyaan inuu aqbalo shir uu la yeesho madaxweynayaasha maamul goboleedyada, si xal looga gaaro muranka doorashada.

Shirkan oo markii hore dowladda ay aqbashay kuna xirtay in marka hore ay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay soo magacaabaan guddiyada doorashada, ayaa shaki uu galay kadib markii dowladda ay ku gacan seertay habka loo magacaabay guddiyadaas, kuna tilmaamtay sharci-darrada

Beesha Caalamka ayaa dhankeeda war ay soo saareen shalay waxay ku taageerayaan guddiyada ay magacaabeen Puntalnd iyo Jubaland iyo qabashada shir ay isugu yimaadaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa sii kordhayey saameynta iyo dhaq-dhaqaaqyada beesha caalamka ee ku wajahan is-mari waaga siyaasadeed ee dalka, waxaana la rumeysan yahay inay ugu wacan tahay in Farmaajo waqtiga kasii dhamaanayo, taasi oo awooddiisa sii yareysay.