Madaxweyne Farmaajo iyo beesha caalamka oo uu shir uga furmay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta madaxtooyada Villa Somalia waxaa ka furmay shir u dhaxeeya madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo saaxiibada beesha caalamka taas oo looga arinsanayo arrimo la xiriira doorashooyinka.

Kulanka ayaa waxaan qeyb ka aheyn safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Diblomaasiyiinta Mareykanka ee jooga Soomaaliya fasax uma heystaan iney ka baxaan aagga aadka loo ilaaliyo ee xarunta Xalane oo ku talla agagaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay Caasimada Online ka heshay madaxtooyada ayaa sheegaya in kulanka uu ku yimid codsiga wakiilada beesha caalamka, waxaana lagu warramay inay madaxweynaha u sidaan farriin la xiriirta arrimaha doorashada.

Inkasta oo aanay caddeyn waxay tahay fariintaas ayaa haddana waxaa loo badinayaa inay ku cadaaddiyaan inuu aqbalo shir uu la yeesho madaxweynayaasha maamul goboleedyada, si xal looga gaaro muranka doorashada.

Shirkan oo markii hore dowladda ay aqbashay kuna xirtay in marka hore ay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay soo magacaabaan guddiyada doorashada, ayaa shaki uu galay kadib markii dowladda ay ku gacan seertay habka loo magacaabay guddiyadaas, kuna tilmaamtay sharci-darrada

Beesha Caalamka ayaa dhankeeda war ay soo saareen shalay waxay ku taageerayaan guddiyada ay magacaabeen Puntalnd iyo Jubaland iyo qabashada shir ay isugu yimaadaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa sii kordhayey saameynta iyo dhaq-dhaqaaqyada beesha caalamka ee ku wajahan is-mari waaga siyaasadeed ee dalka, waxaana la rumeysan yahay inay ugu wacan tahay in Farmaajo waqtiga kasii dhamaanayo, taasi oo awooddiisa sii yareysay.

Wixii shirkaan kasoo baxa kala soco Caasimadda Online