Guddoomiye Cumar Filish iyo Kaniif oo isku dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Bilaawgii todobaadkaan ayaa degmada Dharkeynlay ee gobalka Banaadir waxaa ka dhacay qal qal amni oo xoog leh kadib markii ay murmeen taliye ku xigeenka 1-aad ee Booliiska Soomaaliya Cusmaan Maxamed Cabdullaahi Kaniif iyo guddoomiyaha maamulka gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

Murankaan ayaa gaaray meel sare waxaana la isku qabsaday sidii laga yeeli lahaa koox burcad ah ka ganacsata islamarkaana isticmaasha Khamriga iyo maandooriyaha, kuwaas oo ay soo qabteen Ciidamada Booliiska ee degmada Dharkeynlay.

Is qab qabsiga ayaa ka billawday taliska Saldhigga Dharkenlay iyo maamulka degmada oo ay soo kala waceen Taliska Booliiska Soomaaliya iyo maamulka gobalka Banaadir oo mid kasta oo kamid ah uu doonayay in uu soo bandhigo kadibna warbaahinta ka hadlo.

Dooda oo fogaatay ayaa gaartay ilaa uu degmada ka tago Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliya Kaniif, sidoo kalane ay Mobile-ka ka soo wacaan masuuliyiinta gobalka waxaana markii dambe lagu guuleestay in Booliiska Soomaaliya lagu wareejiyo ragii la soo qabtay oo hada lagu haayo xabsi ku yaalo xarunta CID-da.

Arintaan ayaa qayb ka ah jawareerka ka jira dalka iyo kala aqoonsi la’aanta shaqooyinkooda masuuliyiinta hay’adaha dowladda Soomaaliya balse mid kasta uu doonayo in uu ka soo muuqdo warbaahinta maxaliga ah ee dalka.

“Guddoomiyaha gobalka waa la soo wacay waxaana loo sheegay in aysan shaqadiisa aheyn arrimo quseeya ammaanka halka isagana uu ku doodayo amniga la hoos keeno” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com