Guddoomiye GOBOL oo billaabay iibinta hantida qaranka (Maamulkiisa oo sirta shaaca ka qaaday)

Beledweyne (Caasimada Online) – Maamulka Degmada Beledweyne ayaa eedeyn u jeediyay gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Fataax Xasan Afrax, kadib markii uu saxaafada la hadlay ku simaha gudoomiyaha degmada Beledweyne.

Bashiir Xuseen Dhoore, ku simaha gudoomiyaha degmada Beledweyne ayaa sheegay in gudoomiyaha gobolka uu waddo iibinta hantida qaranka Soomaaliya, isagoo sheegay in goobaha uu iibinayo kamid tahay dhul horey looga saaray dadweyne Shacab ah.

Gudoomiye ku xigeenka Beledweyne ayaa sheegay in dhulka uu doonayo inuu iibiyo C/fataax loogu talo galay in laga sameeyo mashaariix horumarineed oo dadweynaha anfacaya, balse gudoomiyaha uu bilaabay inuu iskiis u iibiyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan u qorsheynay in dhulkaas laga dhiso mashaariic dan guud ah iyo dhismooyin ay dowlada hoose ugu adeegto bulshada,xarun dab damis,boosteejo gaadiidka laga raaco hase yeeshee guddoomiyaha gobolka ayaa bilaabay in uu bedelo qorshaha hore aan u dejinay isagoo dad ganacsato ah ka iibsanaya dhulkii dowlada.”ayuu yiri Bashir.

Wasaarada arimaha gudaha, madaxweynaha iyo xukuumada dalka ayuu ugu baaqay Bashiir iney wax ka qabtaan boobka lagu hayo hantida qaranka Soomaaliya ee magaalada Beledweyne.

Maamulka Gobolka oo aan la xiriirnay si ay kaga jawaabaan eedeynta loo jeediyay ayaysan suuro gelin iney ka jawaabaan eedeymaha.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com