Guddoomiye Cali Jayte oo dalab u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo ka warbixiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolkaasi ayaa dalab culus u diray Madaxweynaha dowladda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Jayte ayaa ka codsaday Madaxweynaha iyo Wasaaradda Gaashaandhigga inay gacan ku siiyaan howlgallada haatan ka socda wadada xiriirisa Beledweyne iyo Matabaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xilligan ay muhiim tahay in la’iska kaashado dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, si looga saaro deegaanada ay ka heystaan dalka.

“Waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhiga in shacabka laga dulqaado nimanka dhiigyo cabka ah ee caadeystay in ay dhiigga shacabka baneystaan,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan howlgallada xoogooda uu ka socda dhulka buuraleyda ee gobolka Hiiraan, ayna wadaan ciidamada Xoogga, qaybtooda 27-aad.

Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxayna ka fulisaa weeraro culus, waxaana ugu dambeeyey qaraxyadii ka dhacay Beledweyne.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada hore Madaxweynaha Soomaaliyauu uu u ballan-qaaday inuu xoogga saari doono ammaanka iyo sidoo kale dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.