25.4 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Sawirro: Muungaab oo maanta wareejiyay 200,000 dollar

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta wareejiyay lacag dhan laba boqol kun oo doollar ($200,000).

Lacagtan oo maamulka gobolka uu hore ugu dhawaaqay inuu ugu deeqay gurmadka abaaraha ka jira gobolka Awdal ayaa Guddoomiye Muungaab wuxuu maanta ku wareejiyay Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SODMA).

Muungaab ayaa sheegay in deeqdaan ay bar-bilaw u tahay gurmadka abaaraha gobolka Awdal, isla markaana maamulka gobolka Banaadir uu diyaar u yahay garab-istaagga walaalahooda.

Waxa uu xusay in lacagtaan ay qeyb ka tahay canshuurta laga qaado bulshada Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda oo dadka reer Awdal ay ka mid yihiin maadaama ay caasimaddu tahay xaruntii ummadda.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay hey’adaha samafalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in loo gurmado walaalaha ay abaaruhu saameeyeen ee jooga gobolka Awdal iyo deegaannada kale ee dalka.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA), Maxamuud Macalin ayaa ugu mahadceliyay Guddoomiye Muungaab talaabada uu qaaday ee ku aadan in si deg-deg ah looga jawaabo dhibaatada abaareed ee ku dhufatay gobolka Awdal.

Maxamuud ayaa sheegay in deeqda lacageed ee lagu wareejiyay ay si deg-deg ah u gaarsiin doonaan dadkii loogu talagalay.

Gobolka Awdal ayaa kamid ah uu ka meelaha ay abaartu si ba’an u saameeyeen, taasoo keentay in boqolaal qoys ay waayaan xoolahoodii iyo noolal maalmeedkoodii.

Si kastaba, gobolkan oo ka tirsan maamulka Somaliland, ayaa la ogeyn sida ay Dowladda Federaalka ku gaarsiin karto gargaar, maadaama ay si weyn usii kala fogaadeen xukuumadaha Hargeysa iyo Muqdisho, oo maalmihii dambe isku hayay arrinta dhismaha maamulka Laascaanood.

- Advertisement -

Read more

Local News