Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa markii ugu horreysan tan iyo markii lasoo magacaabay ka hadlay arrimo la xiriira maqaamka caasimadda oo sida loo wajahayo ay ka taagan tahay dood xooggan.
Muungaab ayaa shaaca ka qaaday inuu ka shaqeyn doono sidii lagu gaari maqaam iyo metalaad rasmi ah oo ay hesho Muqdisho, si lamid ah maamullada kale ee dalka, isagoo maqaamka Muqdisho ku xiray qorshaha doorasho ee haatan wado dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale wuxuu ballan qaaday inay dajin doonaan qorshe la xiriira sidii lagu gaari lahaa helidda maqaalka magaalada Muqdisho, isaga oo xusay inay u xiran tahay doorashada qof iyo codka ah.
“Si loo helo maqaamka caasimadda waa in la qabtaa Doorasho qof iyo cod ah oo dadweynaha fursad loo siinayo inay soo doortaan cidda maamuleysa,” ayuu yiri Muungaab.
Dhinaca kale waxa uu soo hadal qaaday qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan hirgelintay ololaha qof iyo cod, isaga oo ballan qaaday inay taageeri doonaan ka maamul ahaan.
“Baaqa madaxweynaha ee ah in Magaalada muqdisho ay Dadkeeda is doortaan ayaan tixgalinaynaa bulshada iyo dhaqankana waa in ay fursadaasi taageeraan oo ay safafka u galaan isdiiwaagalinta,” ayuu yiri Duqa cusub magaalada Muqdisho.
Waxa uu intaas kusii daray: “Annaga doorkeenna waxaa waayey wacyigelinta bulshada iyo inaan u fududeyno xarumo ku fian oo shacabka si fudud isku diiwaan-gelin karo”.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in bulshada gobolka Banaadir looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan Amniga iyo xasiloonida Muqdisho si looga hortago weerarada kooxda Al-Shabaab.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan uu muran xooggan ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka dalka oo ay isku hayaan dowladda federaalka iyo mucaaradka dalka.