Taabit oo ka hadlay qorshihiisa cusub iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed oo xalay la wareegay xilka maamulka gobolka Banaadir ayaa sameeyay balanqaadyo badan oo ku aadan magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha cusub oo xalay jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa ayaa ugu horeeyay inuu la imaan doono qorshe lagu soo dhicinayo xaqii uu lahaa gobolka Banaadir, iyo sidii loo xaqiijin lahaa amaanka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu balanqaaday inuu ka shaqeyn doono sidii isdhexgal bulsho loo sameyn lahaa, loona hormarin lahaa adeegyada kala duwan ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale wuxuu si cad u sheegay in shirkadaha sida gaar ah loo leeyahay ay danta guud ee shacabka ay ka hormariyaan danahooda, taasina aysan dhici doonin oo isla xisaabtan dhab ah uu imaan doono.

Gudoomiye Taabid ayaa xusay in Magaalada Muqdisho ay gaari doonto Horumar dadka oo dhan ay wada dareemi doonaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in uu joojin doono dilal qorsheysan iyo Qaraxyadda ka dhacaya Muqdisho.

Gudoomiye Taabid ayaa ugu dambeyntii Sheegay in degmooyinka gobolka Banaadir loo sameyn doono xarumaha gurmadka deg deg ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com