Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyeyaashii degmooyinka Gobolka Banaadir ee uu xilka ka qaaday Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ka dhawaajiyey arrin fadeexad ah kadib markii ay sheegeen inay ka maqan tahay xuquuq ay Gobolka Banaadir ku leeyihiin.
Thaabit Cabdi Maxamed ayaa markii ugu horeysay xilka ka qaaday 15 guddoomiye degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir taasoo lagu tilmaamay inay aheyd gabood fal xagga awoodda ah.
Guddoomiyeyaasha xilka laga qaaday ayaa la sheegay inay ka maqan tahay mid kasta mushaar afar bilood ah iyo xuquuqo kale oo gobolka ay ku leeyihiin midaasna ay ka sugayaan Maamulka Gobolka Banaadir.
Guddoomiye Thaabit ayaa ballan qaaday inay xuquuqda ka maqan guddoomiyayaashaan loo saarayo guddi isla markaasna ay iyaga xal ka gaari doonaan, waxaana hadda muuqato inaysan jirin wax dadaal ah oo ku saabsan bixinta mushaarka ka maqan muwaadiniintaas dalka usoo shaqeeyey.
Mushaarka ka maqan guddoomiyayaasha ayaa ahaa xilligii uu xilka hayey Madaale iyo dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud, mana ahan mid cusub inaysan dowladdii hore ku dadaalin bixinta mushaarkaadka, waxayna shaqaalaha rayadka ah ku lahaayeen dowladdi iXasan ku dhawaad 7 Bil oo mushaar ah.