Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo beeniyay hadda uu Cosoble ku duray Kheyre

Jowhar (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in Hogaamiyihii hore Cali C/laahi Cosoble uusan qaadi karin wax talaabo ah oo ku aadan shaqada maamulka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Cosoble uusan magacaabi karin xilal isla markaana uusan hada lahayn awood Hogaamiyenimo, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in mudada laga dooran doono Hogaamiye uusan Cosoble qaadi karin wax talaabo ah, isla markaana u shaqo tagi karin Xarunta laga maamulo maamulka.

Waxa uu intaa raaciyay in hadda ay socoto qaban qaabada doorashada Hogaamiyaha Cusub ee Maamulka Hirshabeelle.

Waxa uu intaa ku daray inaanu waxba ka jirin haddalka kasoo baxay Cosoble ee ku aadan in Xukuumada Somalia ay ka danbeysay riditaankiisa.

Xil ka qaadista ayuu sheegay inay ku timid rabitaanka Xildhibaanada baarlamaanka maamulka, wixii intaa ka baxsana aysan shaqo ku laheyn dowlada.

Sidoo kale, Guddoomiyaha waxa uu xusay in Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ay xaq u leeyihiin in ay xilka ka qaadaan Hogaamiyaha isla markaana awood Dastuuri ah ay tahay.

Haddalka Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa imaanaya xili Xildhibaanada ay ku goodiyeen inay xilka ka tuurayaan Guddoomiyaha haddii ay dhacdo inuu la safto Cosoble.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com