Guddoomiye Cirro oo weerar culus ku qaaday Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) ― Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ‘Cirro’, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxa uu luuqad adag kula hadlay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, isagoona ku eedeyay inuu markasta abuuro qalaalase siyaasadeed.

Guddoomiye Cirro oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Muuse Biixi uu ku kacay arrimo badan oo sharciga dalka baalmarsan, isla markaana uu ku tagri-falo awooda xilka uu hayo.

Cirro ayaa sidoo kale wuxuu Madaxweyne Biixi ku eedeyay in uu dhul boob ka dhex bilaabay dadweynihii u igmaday xilkaasi qaran, isagoona xusay in dayac baahsan ka muuqdo arrimihii qaranku u igmaday, wuxuuna yiri

“Muddadii labada sannadood ahayd ee Muuse hayay xilka waxaanu kula dhaqmaynay Muslinow run sheeg muslinowna uga qaado haseyeeshee waxa anaga iyo shacbigaba u caddaatay in aanu ahayn Muuse nin dhawraya qawlkiisa, xurmaynaya heshiisyada uu galo, ixtiraamaya xeerarka Qaranka beentana u yaqaanna xariifnimo iyo guul siyaasadeed”.

“Waxaana tusaale idinku filan in Muuse warbaahinta isla soo taagay in aanu faro gelin xubnaha Golaha Guurtida iyada oo labadii xubnood ee u horeeyay mid ka mid ah uu Muuse ku celiyay Golaha Guurtida, xubintaasi Hargeysa ayuu jooga waxaana la yidhaahda Fawsi. Madaxweynuhuna wuxuu u badheedhay in uu shacbigiisa been cad u sheego”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Iyada oo ay dayacan yihiin xilalkii loo igmaday Muuse oo ay ka mid yihiin; sugidda amniga, kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka, adeegyada bulshada ayaa waxa soo baxay maalin walba in Muuse ku mashquulsan yahay ganacsi gaar ah iyo dhul boob dadka shacbiga ah ay isku haystaan”.

“Waxaana ugu dambeysay dhacdadii shalay warbaahinta ka baxaysay ee aynu maqlaynay baroorta hooyooyinka iyo umulaha iyo cabashada joogtada ah ee ay dadku muujinayaan”.

Guddoomiye Cirro ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ka dhawaajiyey in xisbigiisu uu diyaar u yahay inuu hormuud uu ka noqdo doorasho waqtigii loo asteeyay ku qabsoomta, isagoona baaqyo kala gadisan u diray Golaha wakiilada iyo Mas’uulka ugu sareeya Somaliland, wuxuuna yiri

“Xisbiga Waddani wuxuu diyaar u yahay in uu hormuud ka noqdo qabsoomida doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Degaanka marka la saxo gefefka badheedhka ah iyo ku tumashada heshiiska xisbiyada Qaranka”.

“Waxaanan ugu baaqayna Golaha Wakiillada in ay u kacaan masuuliyadda ka saaran toosinta gefefka sharci iyo maamul ee ka yimaadda xukumadda ama fulinta. Muuse waxaan u sheegaya in dulqaadka shacbigu uu xuduud leeyahay dalkana aanu ka yeeli karin sida uu isagu doono”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa