28.2 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Gudiga doorashada Galmudug oo jawaab lama filaan ah siisay Mareykanka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudiga doorashada maamulka Galmudug ayaa ka jawaabay eedeyntii dhawaan kasoo baxday dowlada Mareykanka ee ka hadlay musuqa doorashada magaalada Cadaado.

Gudiga doorashada ee maamulka Galmudug ayaa beeniyay in si musuq ah ay kusoo baxeen xildhibaan Mahad Maxamed Salad iyo xildhibaan Maxamuud Gaafow, kadib markii eedeyntaasi kasoo baxday dowlada Mareykanka.

Yuusuf Diiriye, oo ah afhayeenka gudiga doorashooyinka dadban ee heer maamul goboleed ayaa eedeymahaasi oo dhan been abuur ku tilmaamay.

“Waxaan u sheegeynaa dadka warkaas wada in aysan jirin Kuraas dib loogu laabanayo in mar kale la doorto,waayo Doorashadu waa mid ku dhacday si hufan oo Xalaal ah,Doorashadana waxaa leh Soomaaliya si Caddaalad ay ku dheehan tahayna wey ku dhacday”ayuu yiri Afhayeenka Guddiga Doorashada Galmudug.

Gudiga ayuu sheegay iney ku adkeysanayaan ind oorashada mar qura dhacday, islamarkaana aan dib loogu laaban doonin doorashadii labada xildhibaan kusoo baxeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News