Gudoomiyaha Aqalka Sare oo weerar dadban ku qaaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia Cabdi Xaashi  Cabdullaahi ayaa si kulul uga hadlay daryeel la’aanta heysata dhalnyarada ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Cabdi Xaashi waxa uu sheegay in dhalinyarada Muqdisho ay yihiin kuwo aan loo hagar bixin isla markaana aan loo dhameystirin baahiyahooda gaarka ah.

Cabdi Xaashi, waxa uu dhaliilaha ugu badan usoo jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid oo uu sheegay inuu ka seexday mas’uuliyada ka saarneyd dhalinyarada Gobolka Banaadir.

‘’Waxaan aad uga xumahay in Taabit uu ka jeestay wax ka qabashada baahiyaha dhalinyarada Gobolka Banaadir, waxaan ugu baaqayaa inuu daacad u noqdo dhalinyarada Gobolka’’

Waxaa uu sheegay in dhalinyaradda kunool  Muqdisho aysan heysan goobo ay ku cayarayaan sidda Garoomo iyo Goobo kale.

Cabdi Xaashi, ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay waxbadan ka dhiman yihiin dhanka Adeegga Bulshadda, islamarkaana maamulka gobolka Banaadir laga rabo in ay hirgeliyaan Garoomo iyo Goobo kale oo loogu talo galay bulshada.

Sidoo kale, Taabit ayaa loogu baaqay inuu daacad u noqdo dhalinyarada Gobolka Banaadir oo laf dhabar u ah isku xirka Gobolada dalka.

Hadalka Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Cayaaraha maamul goboleedyadda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com