Gudoomiyaha baarlamanka Puntland C/rashiid Yuusuf oo ku socda jidkii uu xilka ku waayey Dhoobo-Daareed

Garoowe ( Caasimada Online) – Guddoonka golaha wakiilada ee dowlad goboleedka Puntland ayaa shaaciyey in kallfadhiga 46-aad ee golahaasi uu furmi doono 15-ka bisha soo socota ee June, iyadoo lagu wargeliyey dhammaan xubnaha baarlamaanka.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntkand, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa sidoo kale xalay xildhibaannada la wadaagay ajandayaasha ugu waa weyn ee kallfadhiga 46-aad, kuwaas oo ay ku jiraan qodobo la mid ah kuwii uu xilka ku waayey guddoomiyihii ka horreeyey ee Cabdixakiin Dhoobo-Daareed oo ay is-qabteen Madaxweyne Siciid Deni.

Ajandayaasha la soo bandhigay oo ay Caasimada Online aragtay ayaa waxaa ka mid ah 1:Soo gudbinta wixii heshiisyo ah oo ay gashay Xukuumadda Puntland, 2: la xisaabtanka Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, 3: dhameystirka iyo ansixinta Maxkamadda Dastuuriga ah, 4: Ansixinta mas’uuliyiinta u baahan xasaanad siinta Golaha Wakiilada iyo 5: Dhaqangelinta qodobadii kasoo baxay shirkii wadatashiga Puntland.

Dhamaan qodobada la soo bandhigay oo ah kuwa culus, gaar ahaan soo gudbinta wixii heshiisyo ah oo ay gashay xukuumadda Puntland iyo la xisaabtanka xukuumadda ayaa farta si aad ah loogu fiiqay, maadaama ay Deni horay isugu qabteen Doobo-Daareed, kadibna dagaal siyaasadeed meesha looga saaray guddoomiyihii golaha wakiilada Puntland.

Dadka ordosa arrimaha Puntland ayaa sheegaya in tani ay qeyb ka tahay shaqada baarlamaanka, islamarkaana ay muhiim tahay in la xoojiyo la xisaabtanka xukuumadda.

Puntland oo ah maamulkiii ugu horreeyey ee ka aas-aasmay Soomaaliya ayaa waxaa  mudooyinkii dambe soo baxayey khilaafyo u dhexeeya madaxda maamulkaasi oo kii ugu dambeeyey laga soo wariyey Madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash.