Gudoomiyaha gobolka Jaadka ee Meru “Nolosheyda halis bey ku jirtaa, waxaana mas’uul ka ah…”

Meru (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Meru ee jaadka Kenya laga soo saaro, Peter Munya ayaa sheegay in noloshiisa ay halis ku jirto kadib markii lagu eedeeyey inuu yahay sababta loo mamnuucay jaadkii la geyn jiray Soomaaliya.

Munya ayaa sheegay in kooxaha Jaadka ay raadsan doonaan islamarkaana dili doonaan, kadib markii safiirka Soomaaliya ee Kenya uu ku eedeeyey mamnuucista jaadka.

Safiirka ayaa sheegay in Munya uu aqoonsi u ballan-qaaday Somaliland si jaadka ay uga iibsadaan, sidaa darteedna la mamnuucay jaadka.

Waxa uu ku eedeeyey xisbiga Uhuru Kenyatta ee Jubilee inay arrintan ka dambeeyaan, ayaga oo ka dhaadhiciyey dowladda Soomaaliya in asaga lagu eedeeyo mamnuucista jaadka.

“Sida kuwa iga soo horjeeda ay u dhaqmayaan ma ahan wax wanaagsan, iminka nolosheeda ayey halis geliyeen” Ayuu yiri Peter Munya.

Munya ayaa ku doodaya in xaqiiqda jaadka loo mamnuucay ay tahay shirka urur goboleedka IGAD ee la qorsheeyey inuu ka dhaco magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Munya ayaa sheegay in Jubilee ay doonayaan in ninka la tartami doona ee Kiraitu Murungi uu guuleysto sidaas darteedna ay arrintan kala shaqeeyeen dowladda Soomaaliya si bulshada Meru ay ugu kacaan isaga, uguna codeeyaan Kiraitu.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com