Galmudug oo shaacisay cida ka danbeysay dilka Nabadoonada

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow kasoo baxay maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in dilalka Nabadoonadii xalay lagu dilay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ay ka danbeeyen maamulada deriska la ah Galmudug.

Guddoomiyaha Degmada Caabudwaaq ee Maamulka Galmudug Mahad Cumar Cilmi oo u waramaayay Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in dilkii ka dhacay degmadiisa ay soo abaabuleen maamulada deriska la’an sida Puntland iyo Maamulka DDSI.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in dilka labada Nabadoon iyo dadkii kale ee la dhaawacay uu ahaa mid lagu carqaladeynaayo xasiloonida deegaanada Galmudug waxa uuna cod dheer ku sheegay in Galmudug ay ka bixin doonto jawaab.

Guddoomiye Mahad Cumar Cilmi waxa uu sheegay in weerarka ay geysteen maleeshiyaad xiriir leh oo kasoo kala jeeda labadaasi maamul, waxa uuna tilmaamay inay wateen gaari Nuuca raaxada ah.

Waxa uu sheegay in maamulada Puntland iyo DDSI ay carqalad ku yihiin amniga deegaanada Galmudug waxa uuna Guddoomiyuhu cadeeyay inaanu gacmaha ka laaban doonin dilka Nabadoonada.

Guddoomiyaha waxa uu sidoo kale sheegay in rasaasta ay maleeshiyadaasi fureen ay ku dhaawacmeen ilaa 10 ruux oo uu ku jiro Nabadoon.

Dhanka kale Xaaladda Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa Saaka degan, iyadoo Waxgaradka Magaalada ay wadaan qaboojinta Xiisadda Magaalada ka jirta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com