Guuleed oo Siyaasad cusub la dheelaaya Odayaasha ku howlan xulista

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in khilaaf hoosaad uu ka dhex taagan yahay Maamulka Galmudug iyo Odayaasha ku howlan diyaarinta Xubnaha kamid noqonaaya Baarlaaanka dalka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed uu kala sifeyn ku bilaabay Odayaasha ku howlan xulista, waxa ayna taasi carro iyo kala irdhow ka dhex curisay maamulka iyo Odayaasha.

Guuleed ayaa la sheegay inuu xooga saarayo sida uu meesha uga saari lahaa tirro Odayaal tallo diid ah, isaga oo doonaaya inuu ku bedelo tirro kale si isfahan uu halkaasi uga dhasho.

Odayaasha kasoo jeeda Galmudug ayaa ka biya diidan in faragalin lagu sameeyo arrimaha la xiriira dhismahooda, waxa ayna ku goodiyeen inay isaga bixi doonaan waa haddii la faragaliyo.

Nabadoon Maxamed Maxamuud oo kamid ah Nabadoonada kasoo jeeda magaalada Cadaado ayaa sheegay inuu jiro kala aragti duwanaan ka dhextaagan maamulka iyo Odayaasha waxa uuna cadeeyay in maamulka uu faragalin ku hayo nidaamka lagu diyaariyay Odayaasha xuleysa Xildhibaanada.

Nabadoon Maxamed, waxa uu sheegay inay cabasho ka yihiin qaabka loo faragalinaayo nidaamka xulista waxa uuna ku baaqay in isha lagu hayo sida ay wax uga socdaan magaalada Cadaado.

Dhinaca kale, maamulka Galmudug ayuu ugu baaqay inay joojiyaan u kala xaglinta odayaasha ku howlan diyaarinta Xubnaha cusub ee Baarlamaanka.


Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com