Madaafiic lagu garaacay Xarunta ugu weyn ay Ajaanibta ka degan tahay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in madaafiic lagu garaacay qeybo kamid ah xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Madaafiicda oo dhowr aheyd ayaa la sheegay in Seddex kamid ah ay ku dhaceen xarunta ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, halka tirro kalane ay ku dhaceen hareeraha Xarunta.

Madaafiicda ayaa sidoo kale ku dhacday goob ay degnaayen dad shacab ah kuwaasi oo khasaaro ay kasoo gaartay madaafiicda.

Madaafiicda ayaa la sheegay in laga soo tuuray Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan meel aan sidaa uga sii fogeyn Ex-Somali Airlen iyo Iskuul Jabuuti oo ku yaalla Xaafadda Buula-xuubey ee Degmada wadajir.

Hay’adaha amaanka DFS wali kama aysan hadal Madaafiicdaasi lagu garaacay Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com