SAWIRO: C/raxmaan C/shakuur oo soo badhigay qorshe siyaasadeed

Kulan ballaaran oo uu musharax Abdirahman Abdishakuur ku qabtay hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho, islamarkaana ay kasoo qeybgaleen xisbiyada siyaasada, aqoonyahano, waxgarad, cilmi baarayaal, arday jaamacadeed, bulshada rayidka iyo warbaahinta ayaa uu kusoo bandhigay qorshihiisa siyaasadeed ee uu dalka ku hoggaaminayo.

Abdirahmaan Abdishakuur ayaa waxaa uu barnaamijka uusoo bandhigay u bixiyey “ISKU TASHI”, kaasi oo ka kooban 5 qoeybood, oo midkasta ay la socoto sida loo fulin doono, isagoona sheegay in isaga iyo xisbigiisa wadajir ku shaqeyn doonaan isla barnaamijka ay maanta soo bandhigeen.

“Dalkan waxaa uu u baahan yahay in loo sameeyo barnaamij siyaasadeed oo cad, kaasi oo dalka lagu wadi karo ilaa 2020, sidaasi darteed, aniga waxaan halkan idin kusoo bandhigay barnaamijkeyga ISKU TASHI, oo  ah mid qoran” ayuu yiri Abdirahman Abdishakuur oo intaasi ku daray :

“Waxaan rabaa in barnaamijka ISKU TASHI uu meesha ka saaro weydiinta la xiriirta, ma heysataa barnaamij siyaasadeed oo qoran, wixii hadda ka danbeeya aanu ka doodno, qaabka aan barnaamijkaasi u dhigay iyo sida aan ku fulineyno” ayuu yiri Abdirahmaan Abdishakuur.

Markii uu dhameeyey khudbada uu ku sharaxayey barnaamijka ayaa waxaa dadweynaha madasha joogay loo ogolaaday inay wax ka weydiiyaan meelaha ay su’aalaha ka qabaan, isagoona gebi ahaan uga jawaabay musharax Abdirahmaan Abdishakuur.

Waxaase uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ku qiimeeyaan musharaxkasta qorshaha siyaasadeed ee uu soo bandhigo iyo waxqabadkiisii hor ee lagu yaqaanay.

“Mushkilada ma ahan siyaasiyiinta oo aan barnaamij siyaasadeed laheyn iyo aragti hoggaamineed, ee waa inaysan dadkeena dani ka laheyn wax aragti siyaasadeed ah iyo fulinteeda, midaasi oo dhib badan ku ah habka doorashada dowladnimo” ayuu yiri Musharax madaxweyne Abdirahmaan Abdishakuur.

Sida ku cad magaca barnaamijka oo ah ISKU TASHI, waxaa uu meesha ka saarayaa ku tiirsanaanta gacmo shisheeye, kuwaasi oo la xiriira dhan dhaqaale iyo dhan siyaasadeedba. Waxaana uu barnaamijkan dhiirigelinayaa in Soomaalida isku tashado , oo ay dalkooda wadajir u dhistan.

Dadka goobta fadhiyey ayaa waxaa loo qeybiyey buugaag yaryar oo ku qoran afafka Soomaaliga iyo Ingiriiska, waxaana midkasta uu ka koobnaa 20 bog, iyaddoo cidkasta ay halkaasi ka daalacan karto qorshaha siyaasadeed ee Abdirahmaan Abdishakuur lagu dooranayo.

Waa musharixii Madaxweyne ee ugu horeeyey, kaasi oo maanta soo bandhigay barnaamijkiisa siyaasadeed, waxaana ay tani muujineysaa inuu dalka Soomaaliya galay waji isbadel, maadaama madaxda xilka sare rabta soo bandhigayaan qorshahooda siyaasadeed.

imgp2442 imgp2443 imgp2496 imgp2505 imgp2513 imgp2517 imgp2521 imgp2522 imgp2529 imgp2553 imgp2554 imgp2565-2 imgp2565 imgp2569 imgp2576 imgp2585 imgp2594 imgp2610